SAWIRRO: Ciidamo Cadaan Eeyo wata oo baaritaan ka wada Muqdisho (Maxaa soo...

SAWIRRO: Ciidamo Cadaan Eeyo wata oo baaritaan ka wada Muqdisho (Maxaa soo Kordhay?)

0
SHARE

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Cadaan ah oo ay wehliyaan ciidamada Booliska Somaliya, ayaa maanta dhanka Waqooyi ee Muqdisho gaadiidka ku baaraya iyaga oo isticmaalaya eeyo.

Taalada Daljirka Daahsoon ayaa gaadiidka yar yar lagu fayliyay halkaasi oo eeyaha ay ku baarayaan Baabuurta, kadib marka laga soodajiyo wadaha gaariga iyo dadka kale ee saaran.

Lama oga sababta keentay baaritaanka eeyaha u tababaran urinta waxyaabaha qarxa ee baaraya gaadiidka maanta isticmaalaya nawaaxiga daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Inkastoo ammaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid hagaagsan oo ciidamada kala duwan ee dowladda ay taagan yihiin wadooyinka, haddana lama oga waxyaabaha dheeriga ah ee maanta soo kordhay.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa isku diyaarinaya 20December oo ku beegan Sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska, 1943 waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa udiyaar garow aad u ballaaran.

LEAVE A REPLY