War Dag Dag ah Xiisad ka taagan Bariga Gobalka Mudug.

War Dag Dag ah Xiisad ka taagan Bariga Gobalka Mudug.

0
SHARE

Xiisad ka dhalatay dil xalay maleeshiyaad hubeesan ay ugu geesteen Nin la sheegay in uu ahaa xoolo dhaqato  deegaanka Bali Bulse  ee gobolka mudug  ayaa waxa ay maanta ka taagantahay deegaankaas.

Marxuumka la dilay oo da,diisa lagu sheegay 35 jir ayaa la tilmaamay in Maleeshiyaadka ay weerar ku qaadeen Goob uu kaga sugnaa deegaanka Bali Bulse, isaga oona  markii hore iska caabin sameeyay ,hayeeshee dhaawac ay u geysteen uu u geeriyooday.

Wali waxaanan jirin cid sheegata mas’uuliyada dilkaas loo geestay ninka beeralayda ah  iyo sababta ka dambeesa dilkiisa wallow dadka qaar ay leeyihiin waxa ay la xiriirtaa aanooyin qabiil.

Meedka marxuumka xoola dhaqatada ah ee la dilay ayaa iminka waxa uu yaalaa isla deegaanka bili busle oo ay eheladiisu kasoo horjeesteen in la aaso illaa la helo cidda dishay iyo sababta intaba.

Dadka deegaanka oo qaarkood la hadlay xafiiska wararka KNN ayaa sheegay in ay jirto cabsi ah aarsashada dilkaasi iyada oona iminka ay socaneeso waan waan iyo dadaalo lagu doonayo in dilkaasi uusan dhalin colaad dhiig ku data.

LEAVE A REPLY