War deg deg ah: Mukhtar Rooboow oo Goordhow Xabsi loo taxaabay iyo...

War deg deg ah: Mukhtar Rooboow oo Goordhow Xabsi loo taxaabay iyo Warar Sheegaya in…

0
SHARE

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan magaaladaasi ay goor dhoweyd xabsi u taxaabeen Mukhtaar Roobow Abu-mansuur.

Arrintan ayaa timid iyadoo dowladda Soomaaliya ay dadaal xoog leh ugu jirtay inay wadaadkaasi ka reebto doorashada madaxweynaha K/Galbeed oo lagu wado inay dhowaan ka dhacdo magaalada Baydhaba.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow ay jirdil u geysteen ciidamada Itoobiya ee qabtay, iyadoo xaaladda magaalada ay kacsan tahay, islamarkaana rasaas laga maqlay magaalada, sida uu soo weriyey saxafi ku sugan magaalada Baydhaba.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

LEAVE A REPLY