Wararkii Ugu Dambeeyey Gaari Lagu Rasaaseeyey Duleedka Magaalada Cadaado+Khasaaraha

Wararkii Ugu Dambeeyey Gaari Lagu Rasaaseeyey Duleedka Magaalada Cadaado+Khasaaraha

0
SHARE

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado Ee Gobolka Gal gaduud ayaa soo sheegaya in Khasaaro uu ka dhashay Rasaas la huwiyey gaari Marayey Duleedka Magaaladaas.

Koox Hubeysan ayaa rasaas huwiyey Gaari Rakaab la socdeen oo marayey Deegaanka Godinlabe iyadoo Hal Qof uu ku dhintay Tacshiiradaasi.

Qofka dhintay ayaa waxay aheyd Gabar Yar iyadoo dableyda weerarka geysatay oo ahaa isbaarooleey soo boodo ah ay dadkaasi dhac ugeysteen rasaasta kadib.

Gudoomiye Kuxigeenka Godinlabe C/salaan Axmed Mire ayaa sheegay inay kooxdaasi ahaayeen kuwo dhibaato ku haya Shacabka mararka qaarkoodna ay soo boodo dadka ku dhibaateeyaan.

Gaariga la rasaaseyey ayaa kusii socday Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii la socday.

LEAVE A REPLY