XERO SIINEEY IYO XERO DAYAX EE GALKACYO. DHULKII DOWLADDA OO LA BILILAQEYSTAY.

XERO SIINEEY IYO XERO DAYAX EE GALKACYO. DHULKII DOWLADDA OO LA BILILAQEYSTAY.

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Markii ay dowladdii malitarigii Madaxweyne Siyaad Barre burburtay, waxaa shacabkii degeen guryihii dowladda nuuc kasta oo ay yihiinba, Magaalada Muqdisho inta badan waa loogu yimid dhulkii dowladda oo majirto dhul dowladeed oo lakala iibsaday ama la isku aamini karo in lakala iibsado, xitaa haddii laga dhawaajiyo waxaa qeylinaya dadka reer muqdisho.

Bisha November ee Sanadkaan , 2018 waxaa magaalada Galkacyo EE Maamul Goboleedka Puntland gadeen dhulkii Xero Siinay.iyo Xeradii Dayax ee Ciidanka soomaaliya, waxaa labadan dhul laga bixiy lacag dhan 125,000,000$(Boqol iyo labaatan iyo shan milyan) oo dollar, labada xero mid kasta waxay ku fadhisaa in ka badan 1,000,000 Square meter taasoo macneheedu tahay in xero kasta ay dhinac kasta utahay hal kilometer, sanadii 2004 waxay Puntland iibisay Xero Daraawiish oo iyaduna ku taal magaalada Galkacyo waxaana saad iyo sahay looga soo dhigay General Moorgan si uu Kismaayo uqabto, laakiin isagaaba kobaha looga soo jaray.

Dhulkan cusub ee Xeradii Shiinada iyo xero Dayax ee ciidankii Xoogga dalka waxay saaranyihiin laamiga, haddii qolo gooni ah iibsato misna si qaas ah dadkooda uga iibiyaan waxay dhibaato ku tahay dadka meeshaas wada dega, sababtoo ah dhul kiiba 1 kiilometer ku fadhiyo oo bartamaha magaalada ah markii qolo gooni ah iibsato misna hal famil laga iibiyo waxay sii hurineysaa colaadii horay usii jirtay.

Maamul Goboleedka Puntland waxay sheegeen in lacagtaas lagu dhisayo dekedda Garacad oo aan dano shakhsi ama siyaasadeed lagu isticmaali doonin, laakiin aniga su,aasheydu waxay tahay Gaalkacyo waa la wada leeyahay wixii yaal, markii horena waxaa muran ka taagnaa sababta loo gaday Xero Daraawiish, waxaan rejeynayaa in Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Galmudug ay toos ah arrintaasi uga hadlaan oo ay caddeeyaan boobkaas bareerka ah oo aysan dowladda dhexe waxba ka ogeyn.

Haddii arrintaasi laga aamuso waxay caddeneysaa in meesha ciyaar ka socoto, waxaan dareemayaa in Madaxweyne Xaaf ay arrintaasi xanuun ku heyso dantuse ay urun sheegtay, haddii maanta Garacad la dhiso Hobyana aan far loo qaadin waxay dhabar jab weyn ku noqoneysaa deked ahaanta Hobyo sababtoo ah waxaa saameyn ku yeelanaya masaafada ay isku jiraan labada dekedood.

Waa inaan si cad uga hadalno arrintaan oo aadan maanta ogolaan in aayaha caruurteena oo maalaayacni nagu dhaafo, waa hubaal dhul dan-guud inaad dekedo ku dhisatid kaama ogolaan laheyn Puntland laakiin iyaka waa u xalaal inakana waa inoo xaaraan

LEAVE A REPLY