Xog Culus, Sarakiishii Galmudug ee Cadado ku sugana iyo kuwa Xooga Dalka...

Xog Culus, Sarakiishii Galmudug ee Cadado ku sugana iyo kuwa Xooga Dalka oo dhusamreb looga yeeray iyo Warar Cusub oo soo Shaac baxay Goordhaw

0
SHARE

Saraakiil Katirsan Ciidamada Booliska Galmudug ee Ku sugan Magaalada Cadaado iyo Kuwa 21-aad ee Milatariga Soomaaliya ayaa Looga Yeeray Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobalka Galgaduud.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Caddado Xuseen Cumar Muumin oo la hadlay KNN  ayaa sheegay In Saraakiisha Looga yeeray Magaalada Dhuusa Mareeb oo Kulanka Wadatashi ah Loo qabanayo Dhamaan Saraakiisha ka howgala Degmooyinka ka tirsan Gobalada Galgaduud iyo Mudug.

Xusen Cumar Muumin Taliyaha Ciidamada booliiska Degmada Cadaado Ma uusan Xaqiijin Waqtiga ay Baxayaan Saraakiisha iyo Waxyaabaha uu Salka Ku hayo Kulanka Dhuusa Mareeb Loogu Qabanayo Dhamaan Saraakiisha Ciidamada Ka hawl-gala Galmudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa  Hobyomedia.com u sheegay in Saraakiisha lagala hadli doono sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ka tirsan Galmudug, oo xiligan ay maamulaan Shabaab.

Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada loo diri doono deegaanada ay Shabaab ka baxeen, sida Xarardheere oo in muda ah ay maamulayen.

LEAVE A REPLY