Xog Culus:Cabdiweli Gaas oo safar aan la shaacin ku tagey Gaalkacyo

Xog Culus:Cabdiweli Gaas oo safar aan la shaacin ku tagey Gaalkacyo

0
SHARE

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa saakay  safar aan horay loo sii shaacin ku tagay Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa booqashaddii aysan ka warqabin Waxgaradka iyo Bulshada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in gudaha Madaxtooyadda Gaalkacyo uu kula shirsan yahay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada.

Safarka deg deg ah ee madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadday xilli la filayo galinka dambe ee maanta in la shaaciyo xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub,iyadoo dhaqdhaqaaq arrinata la xiriira laga dareemayo magaalada Garoowe.

Cabdiweli Gaas, oo ah musharrax madaxweynaha ayaa sidoo kale culeys badan kala kulmaya qaar ka mid musharraxiina u tartamaya xilka madaxweynaha, kuwaas oo horey u sheegay inay dadaal ku bixin doonan sidii uu isbeddel uga dhici lahaa Puntland.

LEAVE A REPLY