XOG DEG DEG AH: Shan Gaari Qaraxyo wada oo Muqdisho ku jirta...

XOG DEG DEG AH: Shan Gaari Qaraxyo wada oo Muqdisho ku jirta iyo Digniin laga soo saaray

0
SHARE

xog gaara oo ay heshay Hobyomedia.com ayaa sheegeysa in Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir lagu wargeliyay in Magaalada Muqdisho ay ku jiraan Shan Gaari oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa.

Ciidamka Amaanka ayaa ogaaday in Al shabaab ay gudaha Muqdisho soo galiyeen Gawaari badan oo Qaraxyo ka buuxaan iyagoo doonaya inayS hacabka aan waxba galabsan ku xasuuqaan.

Ciidamo badan ayaa lasoo dhigay Waddooyinka Halbowlaha u ah Magaalada Muqdisho, iyadoo qaarkoodna la xiray.

Agagaarka Madaxtooyada waxaa lasoo dhoobay Ciidamada Koofi Gaduuda oo ilaaliya Villa Somalia waxaana Magaalada ka jirta cabsi, iyadoo Shacabka ay walwal xoog leh ka muujinayaan Gawaaridan la sheegay inay Magaalada ku jiraan.

Saraakiisha Amaanka ayaa sheegaya inay socdaan Baaritaano xoogan, waxaana ay sheegeen inay gacanta ku hayaan Labo ruux oo ka degtay gaarigii Labaad ee ku qarxay Agagaarka Daljirka Daahsoon.

Sidoo kale isla Daljirka Daahsoon waxaa waxaa la geeyay Ciidamo badan oo xiray Wadada ka dib labo Gaari nuuca Caasiga Hoomeyda looyaqaan oo Bilaa Taarko ah oo goobta lasoo dhigay waxaana ciidamada ay goobta u diidayaan inay Shacabka maraan, iyadoo laga cabsi qabo inay Qaraxyo wadaan.

LEAVE A REPLY