Xog Galmudug oo Maxkamad lagu soo Tagayo Edeysanayal loo hayso……

Xog Galmudug oo Maxkamad lagu soo Tagayo Edeysanayal loo hayso……

0
SHARE

Waxaa Maalintii Labaad Baaqday Maxkamadaynta 2-askari Oo Katirsan Ciidamada Xooga Dalka kuwaasi oo Loohayso inay Dil Magaalada Cabdudwaaq Ee Gobolkaani Galgaduud ugu gaysteen Askari Katirsan Ciidamada Xooga Dalka Kadib is Rasaasayn Ciidamo Kawada Tirsan Kuwa Xooga Dalka kudhaxmartay Gudaha Cabudwaaq.

10-Kii bishaan oo Ku aadanayd  isniinta ina Dhaaftay ayaa Maxkamada Shareecada Islaamka Ee Degmada Cabudwaaq  u Fariisatay Dhagaysiga Dacwada Labada Eedaysane Ee Loohaystay inay Dilka ugaysteen Askari Katirsan Ciidamada Xooga Dalka

Eedaysanayaasha Ayaa Maxkamada Horteeda Kasheegay in ay Kuqanacsanyihiin Goa,aanka ay Maxkamada Kagaarto Dacwadooda.

Shalay ayaa Loobalansanaa in La,iskugu soolaabto Maxkamada Hase Waa ay Baaqtay Waxaana Lafilay in manta Lamaxkamadeeyo Eedeysanayaasha Hase ahaatee Markale ayaa dib loodhigay Sida uu inoo sheegay Gudoomiyaha Maxkamada Shareecada islaamka Degmada Cabdudwaaq Shiiq Guri Ceel.

Gudoomiyaha Waxa uu Xusay in Maalinta Bari Lagu Dhawaaqi Doono Xukunka Eedaysanayaasha Loohaysto Dilka Askariga Katirsanaa Ciidamada Xooga Dalka.

Waa Markii ugu horay Mudo Sanadaa Kadib Maxkamadayn ay Kadhacayso Degmada C/waaq Oo Colaado iyo Dagaal Beeleedyo ay Cuuryaamiyeen Waaxaana Muuqatay in Hada ay Kasookabsanayso Dhibaatooyinka Kataagnaa Sanadihii Lasoodhaafay.

LEAVE A REPLY