XOG: Kheyre oo Aqbalay Arrin Halis ah & Mucaaradka oo Xubno ku...

XOG: Kheyre oo Aqbalay Arrin Halis ah & Mucaaradka oo Xubno ku yeelanaya Xukuumadiisa

0
SHARE

Xog gaara oo ay heleyso warbaahinta ayaa sheegaysa in Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Mooshinka dhicisoobay ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya ay qeyb ka noqon doonaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Kheyre.

Xildhibaanada ayaa la sheegay in Ujeedka Mooshinkooda uu ahaa culeyska ay Xukuumadda ku heyso Golaha Shacabka inay ka dulqaadaan islamarkaana ay qeyb ka noqdaan Golaha Wasiiradda uu Kheyre ku koobay Xildhibaanada Muxaafadka ah.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa aqbalay inuu qeyb ka siiyo Xubnaha Wasiiradda Xildhibaanada dagaalka kula jira Xukuumadiisa si ay u joojiyaan abaabulada ka dhan ka ah Nabad iyo Nolol.

Xukuumadda uu Hogaamiyo Xasan Cali Kheyre ayaa dhamaan waxaa ku jira Masuuliyiin Muxaafad ah oo waxaa meesha ka baxay Khilaafkii iyo isqabqabsigii Golaha Wasiiradda balse Go’aankan uu aqb alay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa ka cabanaya faragalin ay Xukuumadda ku heyso Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna ku goodiyeen hadii ay soo laabato in Mooshinka ay xilka kaga qaadayaan Kheyre ay Golaha horgeyn doonaan.

Xubnaha Wasiiradda cusub ee Xukuumadda lagu soo dari doono ayaa laga kala keeni doonaa Xisbiyada Mucaaradka iyadoo si gaara loo soo xuli doono Xildhibaanada ku jira Xisbiyadaasi waxaa Shaqsiyaadka ugu badan ku yeelan doona Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh iyo sidoo kale midka dhawaan ladiiwaan galiyay uu Guddoomiyaha u yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed maadaama Xildhibaanada Mucaaradka ay ku badan yihiin labadaas Xisbi.

LEAVE A REPLY