Sawirro:-Askari Somali-Maraykan Loo Heyso Dilka Haweeney Australian Ah Oo La Maxkamadeyn Doono

Sawirro:-Askari Somali-Maraykan Loo Heyso Dilka Haweeney Australian Ah Oo La Maxkamadeyn Doono

0
SHARE

skarigaasi oo lagu magacaabo Maxamed Nuur ayaa sheegay  inuu adeegsan doono Istaraatijiyad uu kuwo kale ku difaacayo, marka ay Dacwadiisa bilaabantay bisha April kowdeeda ee sannadkan.

Askariga ayaa waxa uu ku eedeysan yahay inuu toogasho ku dilay Haweeney u dhalatay dalka Australia oo lagu magacaabo Jastin Daamond Ruskasayk bishii July 15-dii ee sannadkii 2017-kii.

Qareenadda Maxamed Nuur waxay mar kale xaqiijiyeen inay buuxiyeen Fayl-dacwadeed oo ay Jimcihii u gudbiyeen Maxkamadda Heerka Degmo ee Gobalka Minnesota, waxayna ku sheegeen inuu Askariga Somali-Maraykanka  ku dhawaaqi doono inuusan gelin Dembiyadda heerka 2-aad iyo 3-aad ee Dacwada Dilka ee lagu soo oogay.

Difaacidda kuwa kale ayaa ah Xuquuq loo isticmaali karo xaqiijinta maa difaacidda qof noloshiisa ama nolosha dad kale.

Qareenadda waxay tilmaameen inuu Askariga sheegi doono inuu Is-difaac  Nafsadeed ahaa toogashada ay Haweeneyda u dhalatay Australia ku geeriyootay.

Faylkan cusub waxa uu intaasi ku daray “ Difaaca kuwa kale”, xilii uu Maxamed Nuur markiisa 4-aad isku difaaci doona dacwadda bisha April kowdeeda ka furmi doonta Maxkamad ku taalla magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minnesota ee Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, haddii Askariga Somali-Maraykanka lagu helo Dilka Heerka 2-aad waxa u muteysan karaa Xabsi 40-sanno ah.

LEAVE A REPLY