Banaanbax Gil gilay Caasimada Galmudug Ee Dhuuso Mareeb & Waxa Looga Soo...

Banaanbax Gil gilay Caasimada Galmudug Ee Dhuuso Mareeb & Waxa Looga Soo Horjeeday

0
SHARE

Banaanbax ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Dhuuso mareeb Ee Caasimada Dawlad Gobolleedka Galmudug kaas oo looga soo horjeeday Gabar yar oo Kufsi loo geystay.

Dibad baxa waxaa soo qaban qaabiyey Dhalinyarada Magaalada iyo Culimada ku dhaqan Dhuuso mareeb islamarkaana ay cambaareeyeen falkii Xumaa.

Gabadha la kufsaday waxaa la sheegay in Baraha Bulshada lagu faafiyey taas oo ceeb iyo fadeexad Qoyska gabadha loo geystay.

Sheekh C/weli Xaaji Diiriye oo ka mid ah Culimada Dhuuso mareeb waxa uu sheegay inay Dibad baxooda ku dalbadeen in lasoo taago Maxkamada Kuwii wuxuushnimadaas sameeyey.

Laamaha Amniga Galmudug Ee Dhuuso mareeb waxay shaaca ka dhigeen inay wadaan baaritaan kiiskani ah oo dadkii falkaas gabadha yareyd lagu kufsaday ay kudaba jiraan soo qabashadooda.

LEAVE A REPLY