Ciidamo ka wada tirsan oo wada dagalamay , wararkii ugu danbeyay

Ciidamo ka wada tirsan oo wada dagalamay , wararkii ugu danbeyay

0
SHARE

Ciidamo  isugu jira Boolis iyo militeri ayaa waxaa la sheegay in ay  isku rasaaseeyeen saldhigga booliska degmada dhuuusamareeeb ee Gobalka Galgaduud.


Ciidamada dagaalamay ayaa ka tirsan  kuwa Galmudug, waxaana dagaalka uu salka ku hayaa mushaar la qaybiyay.


Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidamadaasi la siiyay mushaarkooda,  arrintaasi oo dhalisay in kuwii kale aan mushaarka helin ay gadoodeen.


Wararka ayaa intaa ku daraya in hadda xaaladdu ay kacsan tahay oo labada ciidan ay ku kala sugan yihiiin laba xarumood, kuwaas oo laga cabsi qabo inay markale dagaalamaan.

Waxana is rasaaseynta ciidamada isku geysteen ku bur buray gaari uu watay Taliyaha ciidamada Booliska Dhuusamareeb Galad Maxamuud Qeylshe.

LEAVE A REPLY