Rag Lagu Eedeeyay Inay Ku Biiri Lahaayeen Al-Shabaab Oo Xukun Lagu Riday

Rag Lagu Eedeeyay Inay Ku Biiri Lahaayeen Al-Shabaab Oo Xukun Lagu Riday

0
SHARE

Maxkamadda Degmadda Wajeer ee dalka Kenya waxay maanta xukun ku riday 3 qof oo Tanzanian ah, kuwaasi oo la sheegay inay doonayeen inay u soo socdaalaan Somalia, si ay ugu biiraan Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Eedeysanayaashaasi oo ka soo jeeda Jesiiradda Zanzibaar waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mabruuk Cali Adibu oo 34-jir ah, Idris C/raxmaan oo 32 jir ah iyo Islaaxi Juma oo 22-jir ah.

Madaxa Garsoorka ee Maxkamadda Wajeer, Amoos Makoros waxa uu Eedeysanayaashaasi ku xukumay min 15-sanno, kuwaasi oo xukunkooda ku dhamaysan doona Xabsiga Wajeer.

Eedeysanayaasha waxaa la sheegay in lagu qabtay Deegaanka Kutulo, xilli ay qorsheynayeen inay u soo gudbaan Somalia bishii October ee sannadkii hore.

LEAVE A REPLY