SAWIRO: Ciidamo Diyaarad looga daad-gureyay Magaalada Muqdisho & halka la geeyay

SAWIRO: Ciidamo Diyaarad looga daad-gureyay Magaalada Muqdisho & halka la geeyay

0
SHARE

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay wadaan dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Ciidamadan ayaa inta badan diyaarado lagu geeyay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana wararka ay sheegayaan inay qeyb ka yihiin ciidamo Axmed Madoobe uu doonayo in Al Shabaab uu kaga saaro deegaanada Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday abaabulka ciidamada maamulka Jubbaland oo uu doonayo inay iyaga bilaabaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kadibna Dowladda iyo AMISOM ay raaci doonaan.

Wuxuu kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha hogaamineyso howlgalka cusub ee uu doonayo inuu kaga saaro Al Shabaab gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu dhawaan ka sheegay magaalada kismaayo in muddo Afar sano ah la balanqaadayay in la xureyn doono degmada Bu’aale oo caasimad u ah maamulka Jubbaland, balse hadda ay iyaga isku tashadeen oo dagaalka ay bilaabi doonaan.

Walaac badan ayaa laga muujiyay ciidamo u badan Nabad sugid oo diyaarado lagu geeyay degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo marar badan Al Shabaab ay weerareen.

LEAVE A REPLY