SAWIRRO: Kadib Guushii Saciid Dani Villa Somalia oo Wafdi Wasiiro ah u...

SAWIRRO: Kadib Guushii Saciid Dani Villa Somalia oo Wafdi Wasiiro ah u dirtay Garowe

0
SHARE

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka duulay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,waxaana ay ku sii jeedaan maagaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland. Wafddiga dowladda Federaalka ah ee ku wajahan Garowe.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda degaannada Maamulka Puntland.

Mas’uuliyiintan safarkooda ayaa ku soo aadaya kaddib markii uu doorashada ku guuledarreystay C/Wali Maxamed Cali Gaas oo Warqad uu horay u soo saaray ku mamnuucay in xubnaha dowladda Federaalka ah tagaan Magaalada Garowe.

Gaas ayaa dowladda Federaalka ah horay ugu eedeeyay in ay faragelin ku sameyneyso doorashada degaannada Maamulka Puntland.

Horay Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ka mid ahaa Axmed Ciise Cawad ayaa laga celiyay Garoonka Adan Cadde kaddib markii diyaaraddii geyn lahayd Garowe looga digay in ay qaaddo.

Xiriirka Gaas iyo dowladda Federaalka ah ayaa xumaaday inkasta oo Madaxweyne ku xigeenka C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey uu xiriir wanaagsan lalahaa Dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY