SAWIRRO: Ururka Alshabaab oo si Joogta u hela Dareeska Ciidamada DF iyo...

SAWIRRO: Ururka Alshabaab oo si Joogta u hela Dareeska Ciidamada DF iyo Barnaamij ay kusoo Bandhigeen…

0
SHARE

Shabaab ayaa waxa ay si joogto ah u helaan dareeska Ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa hadba ugu dambeeya ee ay bixiso Dowladda Federaalka Somaliya.

Askar ka tirsan Shabaab oo xalay ka qayb galaayay Barnaamij wacyigelin ah oo Shabaab ay ku qabteen fagaaro ku yaallo Magaalada Jilib, ayaa waxaa ka soo dhex muuqday Ciidan xiran tuutihii ugu dambeeyay ee Ciidamada Militariga qaateen.

Tuutaha askarta Shabaab ay xirnaayeen ayaa waxa ay yihiin kuwa loo qaybiyay Ciidanka 14-ka October, taasi oo muujinaysa in Shabaab si fudud ku helaan tuute kasta oo Ciidamada loo qaybiyo.

Horay Shabaab waxa ay weerar ku fuliyeen tuutahan oo ay ku weerareen Koontaroolka Berta Nabadda ay ku leeyihiin Ciidamada Koofi Gaduuda Madaxtooyadda.

Waxaa ka sii horeeyay tuutaha ay wataan Ciidamada Booliska oo Shabaab ay ku weerareen Koontaroolka Sayidka illaa ay gaareen xerada Ciidanka Waran ee Dhagaxtuur meel u dhaw Golaha Shacabka oo lagu dilay.

Dowladda Somaliya ayaanan baaris ku sameynin inta badan sida Shabaab ay ku helaan tuutaha Ciidanka Xoogga dalka Somaliya.

Askarta Shabaab oo xiran tuutaha Ciidanka dowladda haddii ay soo galaan Magaalada gudaheeda lagama yaqaan Ciidanka dowladda.

LEAVE A REPLY