xog culus Gorad Iyo Sabriye Oo Niya Jab Kala Laabtay Galinsoor

xog culus Gorad Iyo Sabriye Oo Niya Jab Kala Laabtay Galinsoor

0
SHARE

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya C/maxamuud Sabriye Iyo Taliyihii Hore ee Ciidanka Xooga Dalka C/wali Gorad oo shalay Cadaado usoo gaaray sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen wareejinta Maxaabiis lagu qabtay Dagaalkii Kaxandhaale kuwaa oo sida lasheegay katirsanaa Ciidanka Itobiya

Gorad Iyo Sabriye oo Uu wehliyo Xildhibaan C/kariin ayaa Saakay gaaray Galinsoor kuwaa oo doonayay in lagu wareejiyo Laba askari oo ganacta ay kuhayeen Ciidamada Galmudug isla markaana lagu qabtay Dagaalkii kaxandhaale hasa ahaatee waxa ay lakulmeen sidii ay filayeen si kaduwan

Warar laga helayo Saraakiil kusugan Galinsoor ayaa sheegaya in Masuuyiinta lagu wargaliyay in aan lagu wareejinayn Maxaabiista balse wada hadal kadib waxaa loo ogalaaday in lagu wareejiyo Askarta lahayo waxaana lagu dhaqaaqay sidii Masuuliyiin katirsan Dowladda Itoobiya ay ula wareegi lahaayeen Hub Iyo Maxaabiista

Inkastoo Xubnaha Kasocday Dowladda ee doonayay inay kaalin kuyeesheen wareejinta Maydad Itobiyaan ah Hub Iyo Ciidamo Nolal lagu hayay ayaa waxaa loo dhaqaaqay dhanka Xadka Itoobiya iyo Soomaaliya hasa ahaatee markii masuuliyiinta ay gaareen Halkii lagu balansanaa ayaa waxaa loo soo sheegay inay iska laabtaan Barina Dib loo balamo hayeeshee Saraakiil katirsan Ciidanka Galmudug iyo Masuuliyiin Galmudug ah ayaa iyaguna waday qorsha kaduwan midka ay wateen Gorad Iyo Sabriye Waxayna ku guulaysteen In Maxaabiistii lahayay iyo Hubkii si tiis ah ay ugu wareejiyeen Masuuliyiin kasocotay Dowladda Itobiya

Gorad Iyo Sabriye ayaa halay Xog ku aadan in Maxaabiistii iyo Hubkiiba lagu wareejiyay Itobiya isla markaana aysan jirin wax Gacantooda kujira waxayna Galinsoor kusoo laabteen iyaga oo ka caraysan sidii Masuuliyiintii Galmudug ay ugu wareejiyeen

Sabriye iyo Xubnihii lasocday ayaa Cadaado kulaabtay waxaana taasi ay muujinaysaa in Safarkooda uu ahaa mid ay kudoonayeen Maxaabiistii lahayay balse aysan ku howlanayn Nabadeeyn ku aadan dhamaynta Colaadda Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud

LEAVE A REPLY