XOG CUSUB: Sheekh Shariif oo Madaxweyne Farmaajo u Cadeeyay Hal Khalad uu...

XOG CUSUB: Sheekh Shariif oo Madaxweyne Farmaajo u Cadeeyay Hal Khalad uu caadeystay

0
SHARE

Warar hoose oo aan ka heleyno Magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha Soomaaliya maadaama Saaxiibo dhow ay yihiin Farmaajo iyo Sheekh oo Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare ka ahaa xiligii Kumeelgaarka.

Ex-Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Soomaaliya waxyaabo badan oo isbedel ah oo Dowladiisa ay ku talaabsatay balse wuxuu ku dhaliilay dagaalka uu kula jiro Mucaaradka.

Sheekh Shariif ayaa kaga digay Madaxweynaha Soomaaliya caadeysiga arrintan isagoo si cad ugu sheegay in ay ka dhalan karto dhibaato dalka u horseeda khalalaaso.

Wuxuu ugu baaqay in Dowladiisa ay dhowrto Xisbiyada Madaxa Banaan oo haa wixii ka dambeeya bilaabaya Olole ay ugu diyaar garoobayaan Doorashada soo socota, waxaana hadii Dowlada ay ka hortimaado dhaq dhaqaaqyada Xisbiyada Mucaaradka ka dhalan kara kacdoon shacab oo Dowlada lagu rido.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u cadeeyay Sheekh Shariif Mowqifka Dowladiisa isagoo ku sheegay inay tahay Dib u heshiisiin iyo Qabka Soomaalida oo la ilaaliyo, wuxuuna sheegay in Dowlada ay ka feejigan tahay wax kasta oo dalka khalalaaso gelin kara.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada ay soo dhaweyneyso Mucaaradka wax dhisaya laakiin aysan u dulqaadan Karin mid duminaya Dowladnimada.

LEAVE A REPLY