XOG: Farmaajo oo Bedelay Mowqifkiisa Maamul Gobaledyada (Shirweyne lagu dhawaaqayo)

XOG: Farmaajo oo Bedelay Mowqifkiisa Maamul Gobaledyada (Shirweyne lagu dhawaaqayo)

0
SHARE

Warar hoose oo hobyomedia.com ay ka heleyso Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi uu balanqaad u sameeyay Madaxda Maamul Gobaleedyada ee ka careysan Dowlada Dhexe.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada ayaa shalay isku afgartay labo qodob oo ay ka mid yihiin in la xaliyo khilaafka iyo in ay isugu yimaadaan shir labada dhinac magaalada Muqdisho, iyadoo shirkaas xilliga la qabanayo uu ku dhawaaqi doono Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u balanqaaday Madaxda Dowlad Gobaleedyada inuu xalinayo dhamaan Tabashooyinka ay qabaan oo ay ka mid tahay Lacagihii Dowlada Dhexe ay siin jirtay Maamul Gobaleedyada oo ay jaratay iyo Deeqaha Beesha Caalamka oo qeybtooda laga soo gaarsiiyo Dowlada Federaalka.

Kulanka uu balanqaadka ku sameeyay Madaxweyne Farmaajo waxa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

LEAVE A REPLY