XOG Maxay qabteen Guddigii dowladda u dirtay degaanka Kaxandhaale?

XOG Maxay qabteen Guddigii dowladda u dirtay degaanka Kaxandhaale?

0
SHARE

Guddigii dowladda Soomaaliya ay u dirtay Xalinta Colaadda degaanka Kaxandhaale ayaa ku fashilmay in ay la kulmaan Waxgaradka labadda dhinac, islamarkaana ay taggaan degaanka Kaxandhaale si Colaadda loo soo Afjaro.

Guddiggaan ayaa hal maalin tagay degmada Galinsoor, waxaana ay dib ugu soo laabteen Magaalada Cadaado ka dib markii Waxgaradka ay ku guuldareysteen in ay la kulmaan.

Qaar ka mid ah Waxgaradka degaanka Kaxandhaale ayaa Risaala u sheegay in wali ay taagan xiisadda degaanka, islamarkaana xalinta Colaadda ay ku howlan yihiin waxgarad ka yimid dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Guddiga ayaa waxa hoggaaminaayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdikariin Dhalac ,Wasiir dowladdaha howlaha Guud Qoorqoor iyo Taliyihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gorod.

Waxgaradka labadda dhinac ayaa diiday in ay la kulmaan Guddiga dowladda Soomaaliya ay u dirtay degaanka Kaxandhaale, waxaana xusid mudan in wali Guddigaan aysan tagin degaanka Kaxandhaale oo ah Meesha ay dhibaatada ay ka taagan.

LEAVE A REPLY