XOG: Villa Somalia oo Xiriirka loogu Jarayo Mukhtaar Roobow Dartiis (Lacago Magdhow...

XOG: Villa Somalia oo Xiriirka loogu Jarayo Mukhtaar Roobow Dartiis (Lacago Magdhow ah oo laga diiday)

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso hobyomedia.com ayaa sheegaya in Dowlada Soomaaliya markale laga codsaday inay xabsiga kasii deyso Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Villa Somalia ayaa Lacag Magdhow ah ka bixisay Rabshadihii ka dhacay Magaalada Baydhabo, iyadoo Odayaasha Koofur Galbeed ay diideen lacago fara badan oo Dowlada ay siisay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Odayaashan ayay ka codsadeen in ay ku qanci karaan kaliya in xabsiga laga sii daayo Mukhtaar Roobow.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Waxgaradka Koofur Galbeed ay ku hanjabeen inay xiriirka u jarayaan Dowlada Dhexe hadii aysan xabsiga kasoo saarin Abuu Mansuur.

Dowlada Soomaaliya iyo Mukhtaar Roobow oo xabsiga ugu jira ayaa isku mari la’ shuruudo ay Dowlada hordhigtay Wadaadka waxaana Villa Somalia ay ku xirtay sii deyntiisa inuu kasoo baxo Shuruudo horyaala oo aan la faahfaahin.

LEAVE A REPLY