Xog Xildhiban odawaa oo cadaadiska galmudug ay ku hayso dowlada somaliya si...

Xog Xildhiban odawaa oo cadaadiska galmudug ay ku hayso dowlada somaliya si kulul uga hadlay

0
SHARE

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ah Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya oo dhawaan socdaal ku tagay deegaanada Maamulka Galmudug oo laga soo doortay ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay Galmudug ka hor istaagtay mashaariic hormarineed.

Xildhibaan Odowaa ayaa Maanta Muqdisho warbaahinta gudaha kula hadlay waxa uuna ku nuux nuuxsaday in markii laga soo tago in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay miisaaniyadii ay siin jirtay Galmudug ka jaratay, ay taasi dheer tahay in xitaa mashaariic hormarineed oo ay hay’addo caalami ah ka fulin lahaayeen deegaanada maamulkaasi ay dowladdu is hor taagtay.

“Madaxweyne Xaaf waxa uu ii xaqiijiyay in Lixdii bilood ee ugu dambeysay ay dowladda dhexe ka jaratay gebi ahaanba miisaaniyadii ay siin jirtay Galmudug, waxa ayna ku timaaday arrimo siyaasadeed, waana laga haboonyahay in nolosha dadka la siyaaadeeyo” ayuu sheegay Xildhibaan Odowaa.

Waxa uu intaas raaciyay ” Galmudug waa cunug yar oo soo korayo uma baahna in neefta lagu celiyo”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya mar soo noqday ayaa lagu yaqaanaa in uu yahay xildhibaan aad u dhaliila dowladda dhexe ee Soomaaliya balse markaan waxa uu soo xiganayaa masuuliyiinta Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY