Akhriso:-Magacyada Xildhibaano Xasaanada Laga Qaaday

Akhriso:-Magacyada Xildhibaano Xasaanada Laga Qaaday

0
SHARE

Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa 12 xildhibaan xasaanadda kala noqday kadib markii ay yeesheen kulan.

Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq ah.

Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar.

Wararka waxay sheegayaan in dhammaan xildhibaanadan aysan joogin maanta kalfadhiga baarlamaanka halka laga aaminsan yahay in qaarkood aysan dalka joogin.

Hoos Ka Akhriso Xildhibaannada Xasaanada laga xayuubiyay.

Maxamed Rashiid Isaaq oo ah afhayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida

Ahmed Abdi (ilka case)

Xildhibaan Miig.

MARWO Sucaad ahmed Faarah

Marwo Fartuun.

Mohamoud Heeryo.

Abdi Haliim.

Khadar Dheere.

Marwo Nasra Hassan.

Marwo Ayaan Gulaandhe.

Abdi Mahad.

Marwo Maajida.

Arrintan ayaa la sheegay inay salka ku heyso xiisada Siyaasadeed ee todobaadyadii la soo dhaafay ka taagneyd dowlad deegaanka Soomaalida

LEAVE A REPLY