Al-Shabaab oo odayaal ku xiray Koofurta Gobalka Mudug ee Galmudug .

Al-Shabaab oo odayaal ku xiray Koofurta Gobalka Mudug ee Galmudug .

0
SHARE

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa  waxaa la sheegay in odayaal ay ku xireen  Koofurta Gobolka Mudug ee Dhanka Maamulka Galmudug.

Odayaasha ayaa waxaa lagu xiray deegaano hoostaga Warshubo iyo tuulooyinka kale. 

Tirada odayaasha Al-Shabaab ay Xireen  ayaa waxaa ay gaarayaan 18 Oday oo ah kuwa deegaanka Warshubo ee  Gobolka Mudug si aad ah loogu yaqaano , sida  dad goob-joogayaal ah ay
Hobyomedia u sheegeen.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya  in Sababta loo xiray Odayaasha ay  tahay  kadib markii ay ka biyo diideen Amar uga yimid Saraakiisha Al-Shabaab ee  ku sugan degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Amarkaasi  ayaa ahaa in Odayaasha Deegaanka ay keenaan Dhalinyaro ka barbar dagaalanta Al-shabaab oo ah kuwa degaanka,iyadoo Odayaasha la  xiray ay ka soo horjeesteen Amarka Al-shabaab.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay odayaal ku xireen  deegaano ay ka mid yihiin  Xiindheere iyo Ceel garaas oo dhamaantooda hoostaga degmada ceel buur ee Gobalka Galgaduud.

LEAVE A REPLY