Al-Shabaab oo soo bandhigtay gaari dagaal ay ka qabsadeen ciidanka dowlada (Sawirro)

Al-Shabaab oo soo bandhigtay gaari dagaal ay ka qabsadeen ciidanka dowlada (Sawirro)

0
SHARE

Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay gaari nooca dagaalka ah oo ay sheegeen inay ka qabsadeen Ciidamada Militariga Dowladda Federalka Somalia.

iska horimaad ka dhacay degaanka Jaziira ee duleedka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho ayey sheegeen Al-shabaab inay kula wareegeen gaarigan.

Gaarigan ay Al-Shabaab soo bandhigeen oo ah nooca Soomaalidu u taqaano Cabdi bilaha ayaa ayaa waxaa ku xirnaa qoriga Dhashiikaha, sidoo kalena waxaa ku buufsanaa astaanta Ciidanka Xoogga dalka.

Taliska Militariga Somalia kama hadlin gaarigan ciidan ee Alshabaab ay sheegeen inay ka qabsadeen Ciidamada Xoogga dalka.

LEAVE A REPLY