Daawo Sawirada: Taliyaha Ciidanka Booliiska Fadaraalka Soomaaliyeed oo Gaaray Galkacyo

Daawo Sawirada: Taliyaha Ciidanka Booliiska Fadaraalka Soomaaliyeed oo Gaaray Galkacyo

0
SHARE

Taliyaha Ciidanka Booliiska fadaraalka soomaaliyeed Jenaraal Bashiir
Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan kuwa ciidanka
booliiska fadaraalka soomaaliya oo maanta soo gaaray magaalada
Galkacyo ee xarunta Gobalka mudug ayaa maanta kulan kula qaatay
Galkacyo saraakiisha ciidamada booliiska dowlad Gobaleedyada Galmudug
iyo Puntland kuwaas oo ka kala yimid Gobalada Bari.Nugaal.Mudug iyo
Galguduud

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayay xoojinta wada shaqeynta ciidamada
booliiska Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa markii uu soo
idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Taliyaha ciidanka Booliiska
fadaraalka Soomaaliya S/gaas Bashiir Cabdi Ameeriko waxaana uu sheegay
in kulankaan ay la qaateen saraakiisha booliiska labada maamul uu
yahay mid qeyb ka ah dadaalada loogu jiro in la helo wada shaqeyn
buuxda oo dhax marta ciidamada booliiska soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogaan maadaama haddii la helo wada shaqeyn joogtaa ay qeyb ka
qaadaneeyso yareynta  falal danbiyeedyada ka dhaca Dalka

Janaraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in shaqada
ciidanka booliisku ay tahay ka shaqeynta sugida amniga sidaa awgeedna
ay shacabka soomaaliyeed ka codsanayaan in ay la shaqeeyaan ciidamada
Booliiska soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Booliiska fadaraalka soomaaliyeed Jenaraal Bashiir
Cabdi Maxamed iyo saraakiisha ku wehlisay socdaalka uu ku marayay
Gobalada dalka qaarkood ayaa intii ay ku guda jireen kormeerkooda  ka
tagay qaar ka mida xarumaha iyo saldhigyada ciidanka booliiska Labada
maamul ee galkacyo iyagoo indha indheeyay qaabka ay u socdaan howlaha
shaqo ee ciidanka booliiska sidoo kalana warbixino la xariira howlaha
shaqo ee ciidamada Booliiska  ka dhageystay saraakiisha ciidanka
booliiska Gobalka mudug ee Galmudug iyo Puntland

Wafdigaan uu hogaaminayay taliyaha ciidanka Booliiska fadaraalka
soomaaliyeed Jenaraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa mudooyinkii u
danbeeyayba howlo shaqo oo ku aadan u kuur galida shaqada ciidanka
booliiska iyo ka war doonista  baahiyada Ciidanka booliiska fadaraalka
soomaaliyeed  ku marayay deegaano ka tirsan kuwa dowlad Gobaleedka
Soomaaliyeed ee Puntland

wada shaqeynta ciidamada booliiska dowlad gobaleedyada Galmudug ayaa
mudooyinkii u danbeeyay aheeyd mid sii wanaagsanaaneysay taasina waxa
ay sababtay in door weyn ay ka qaateen ciidanka booliisku sugida
amniga iyo nabad Galyada sandkii u danbeeyay ka jirta Magaalada
Galkacyo iyo Guud ahaan Gobalka Mudug

Waxaa Qoray Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)



LEAVE A REPLY