Deg Deg | Ciidamada Galmudug oo wata Gadiidka Dagaalka oo ku Baxay...

Deg Deg | Ciidamada Galmudug oo wata Gadiidka Dagaalka oo ku Baxay Goordhaw Degaanka ………

0
SHARE

Wararkii u Danbeyay ee aan ka Helayso Deganada Dowlad Gobaledka Galmudug aya Shgeaya in Ciidamo ka tiran kuwa Maamulka Galmdug ay ku baxeen Degano ay Wali Maamulaan Maleeshiyaadka alshabab waxana arintan ay timid Kadib markii ay soo shaac Baxday in Ciidamo ka Tirsan alshabab ay odayaal dhaqmeed ka afduubteen deganada koonfurta Mudug ee Galmdug .


Warar lagu kalsoon yhy oo ay helayso hobyomedia.com aya shegaya in ciidamo ka tirsan kuwa galmudug oo garab ka helaya kuwa malatariga iyo sidoo kale naabd sugida Galmduug ay bilaabaeen guluf dagaal oo ay uga hortagayaan dadaalada shabab ay ku doonayan in ay isku sii fidiyaan deganada Galmudug .


deegaanka Warshubo ee Gobolka Mudug ayay alshabab ka afduubteen odayaal dhaqmeed waxana , arintan ay timid kadib markii odayaasha iyo maleeshiyaadka al shabab ay is fahmi waayeen.


Sarakiisha Lamaha amaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa Hobyomedia.com u shegay in ay ka war hayaan dhaq dhaqaaqyada ay alshabab ka wadaan degano hoos taga koonfurta gobalka mudug waxana ay shgeen in guluf dadgaal oo deganadaasi shabab looga xoreynayo ay ka bilaaban doonaan deganadaaasi .


Dhanka kale Warar aan la hubin aya shegyaa in ciidamo hubaysan oo u badan kuwa nabad sugida Galmudug oo wata Gadiidka Dagaalka in ay ku baxeen degano dhawr ah oo wali shabab ay kaga sugan yihin Galmudug 
Maleeshiyaada Alshabaab ayaa wali ku dhuumalaysanaya degano ka tirsan Galmudug waxana wali ay galmudug gaar ahaan koonfurta mudug ay kaga sugan yihin dhawr tuulo oo wali halkaasi ay ku maamulaan shacab reer miyi ah waxana deganada wali shabaaab ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah laga mamnuucay adeegsiga mobile lada

W.Q. > Abdi risaaq Cali Nuur

Hobyomedia.com Xafiiska Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY