Duqeymaha Mareykanku ka geysto Soomaaliya oo la sheegay in aysan dalka Nabad ka dhigeynin

Duqaymo Badan oo Mareeykanku uu Soomaaliya kula Beegsado Al-shabaab Nabad uma keenayaan Dalkan ay dagaaladdu aafeeyeen mana ka niyad jabinayaan Al-shabaab in ay sii wadaan howlgaladooda, sida ay sheegeen qubaro baaaris ku sameeyay Dagaalka Soomaaliya.

Magaal lagu daabacay Wakaaldda Wararka u faafisa Wadanka Turkiga ee Anadolo ayaa faah-faahiyay sida aysan duqaymaha Mareeykanku Nabad ugu horseedeeynin Soomaaliya iyo badalkooda wadada ay taahy in la qaado, si dalku nabad u ahaado.

“Soomaaliya ay waxay u baahantahay Wada hadal qaran . Taageeradda Beeca caalamku waa in ay diiradda saartaa in nabadda lagu gaaaro wada hadal iyo dib u heshiisiin ku saleysan cadaalad” ayuu yiri Shadrack Gutto oo ah Professor wax ka dhiga Jamaadda koofur Africa.

Gutto waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka looga baahanyahay in ay Ciidanka Qalabka sida ka caawiyaan tababarka iyo qalabka sia ay awoodooda ugu difaacdaan dhulka ay heeystaan.

“Awood shisheeye Nabad kama keeni karto Wadan kale, gaar ahaan meel ay kala qaybsanaan ka jirto, sida Xaaladda Soomaaliya ee Al-shabaab ay u dagaalamayaan sidii ay Dowlad islaami ah u sameeyn lahaayeen iyo kuwo kale oo arrimo qabiil u dagaalamaya” ayuu hadalkiisa kusii daray Gutto.

Sanadihii u dambeyay Mareeykanku waxaa uu Howlgallo wada jir ah la sameeynaayay Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM iyo Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, waxuuna Sedaxdii sano ee lasoo dhaafay uu kordhinaayay duqaymaha uu la beegsado Al-shabaab.

Duaymaha Mareeykanku 35 ayey ka kordheen 2017kii waxayna gaareen 47 2018kii.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Todobaadkii lasoo dhaafay Taliyaha Ciidanka Mareeykanka ee Qaaradda Africa Thomas Waldhauser ayaa u sheegay Guddiga Ciidanka u qaabilsan Senate-ka Mareeykanka in duqaymaha soo laa-laabtay ay ku guul dareeysteen in ay cirib tiraaan al-shabaab.

“Qaybta hoose ee Ciidana Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa u baahn in la dhiso, waxay u baahanyihiin in ay kordhiyaan ayna qaadaan masuuliyadda amnigooda” ayaa laga soo xigtay Waldhauser, sida ay Warisay Anadolu.

Sidaa darted, Mareeykanku in ka badan 10 duqaymood ayuu Soomaaliya ka geystay ayuu Waldhauser hadalkiisa kusii daray.

Yusuf Serunkuma oo macalin ka ah Jaamacadda Makerere ee Dalka Uganda ayaa shegay in xalinta xaaladda Soomaaliya uu wada hadalku lama huraan u yahay.

‘Ciidanka Qaranka oo la adkeeyo iyo weeradda Al-sbabaab oo la kordhiyo midna ma xasilinayaan Soomaaliya” ayuu yiri Yusuf Serunkuma.

Waxaa uu ku taliyay in ay Dowladda Soomaaliya ay biloowdo Wada hadallo kuwaas oo ay ku jiraan dhamaan dhinacyadda oo Al-shabaab ay ka mid yihiin.

Ka sokoow in Qurabaddu ay ku doodayaan in Wada hadalku uu xalka kowaad u yahay Soomaaliya hadana Dalka kama jiro ifafaalo wadahadal ku dhex mari karo Dowladda iyo Al-shabaab. Sidoo kale ma muuqdaan Awoodaha shisheeye ee Soomaliya taageera in ay isku howlayan wada hadal siinta Dowladda iyo Al-shabaab.

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements