Galmudug oo bilowday qaadista Canshuuraha

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabi doonaan qaadista Canshuuraha maamulka Galmudug si loo dardargaliyo howlaha maamulka oo bilihii ugu dambeeyay ku jiray gaabis.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Saciid Shire Shirwac ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Xaaf in uu  Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb ka waday maalmihii lasoo dhaafay Abaabul ku aadan in dadka ay bixiyaan Canshuuraha.

Wasiirka ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo laga bilaabi doono qaadista Canshuuraha , Maadaama maamulka uu dejiyay qorshaha qaadista Canshuuraha oo sare loogu qaadaayo adeegyadda muhiimka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale lagu waddaa in uu taggo Magaalooyinka kale oo ka mid ah Galmudug si uu uga dhaadhiciyo bixinta Canshuuraha si uu maamulku u helo dhaqaalle uu ugu adeego bulshadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.