Hubka ciidamada dowlada oo si qarsoodi ah loogu iibiyo Suuqyada Muqdisho

Hubka ciidamada dowlada oo si qarsoodi ah loogu iibiyo Suuqyada Muqdisho

0
SHARE

Magaalada Muqdisho waxaa kuyaala Suuqyo si qarsoodi ah loogu iibiyo hubka loogu tala galay ciidanka dowlada, waxaana hubkaasi mararka qaar iibsada dad shacab ah iyo dad kale oo dano iyaga u gaar ah ku fushada.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa shaaca ka qaaday in Maxkamada ciidamada marar badan la horkeenay kiisas lagu geestay hub ay lahaayeen ciidanka dowlada oo lagu iibsaday Suuqyada Muqdisho.

G/Sare C/llaahi Buule Kamey oo katirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in kiisaska ugu badan ee fal dambiyeedyada Maxkamada la horkeeno in lagu galo hubka ay leeyihiin ciidanka dowlada.

Waxa uu sargaalkan Digniin u diray ciidabka iyo saraakiisha dowlada ee guryaha ku heesta hubka ka badan midka ay isku difaacayaan, waxa uu sidoo kale saraakiisha ciidanka ugu baqaay in la joojiyo gaadiidka gaashaaman ee xaafadaha iska yaala.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa inta badan hubkii loogu tala galay in ay dadka iyo dalka ku difaacaan waxa ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka, waxaa sidoo kale hubka ciidanka uu noqday mid si caadi ah loogu iibiyo suuqaayada Muqdisho.

LEAVE A REPLY