Ilhan Omar oo Su’aalo Adag uga naxsatay Elliott Abrams (Daawo Sawirada)

Ilhan Omar oo Su’aalo Adag uga naxsatay Elliott Abrams (Daawo Sawirada)

0
SHARE

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku fashilay olole uu ugu jiray in Xildhibaanada Ilhan Omar oo laga soo doortay gobalka Minnesota laga saaro Guddiga Arrimaha Dibada ee Kongareeska Maraykanka, kadib markii ay taageerayaasha Israel isku dayeen in ay ku been abuurtaan Xildhibaanada asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya.

Trump oo ku eedeeyey Xildhibaanada inay u geftay Yahuuda, ayaa codsaday in laga saaro gudiga Arrimaha Dibada ee Kongareeska, Ilhan Omar ayaa shalay jawaab adag siisay Trump iyadoo fariin usii marisay barteeda Twitterka, Xildhibaanada ayaa u sheegtay Trump isagu inuu yahay kan ay dhaqan u tahay afxumada iyo aflagaadada loo geysto dadyowga kala duwan ee ku dhaqan dalka Maraykanka oo ay ku jiraan Yahuuda iyo Muslimiinta.

Ilhan Omar halkaas ugama harin balse kulankii ugu horeeyey ee Guddiga Arrimaha Dibada ee Kongareeska yeeshay ayey su’aalo adag weydiisay Wakiilka cusub ee uu Trump usoo magacaabay dalka Venezuela.

Ninkan oo lagu magacaabo Elliott Abrams oo horey ulla soo shaqeeyey dowladii hore ee Maraykanka ee Reagan ayaa loo heystaa xasuuqyadii ka dhacay dalka El Savador oo ay geysteen askartii ay maalgelisay dowlada Maraykanka, taariikhdaasi oo ay Ilhan Omar su’aalo adag ka weydiisay ninkan uu soo magacaabay Trump arrintan oo soo jiidatay indhaha saxaafada Maraykanka oo maalmahan isha ku hayey xiisada u dhaxeysa Ilhan Omar iyo Trump.

Wakiilka Trump ee Venezuela Mr.Abrams ayaa kamid ah tujaarta Maraykanka ee awooda kuleh siyaasada dalkaasi ayaa sidoo kale heysta dhalashada Israel, wuxuuna si caroleh ugu jawaabay Xildhinaanada oo kaga naxsatay su’aalo uusan fileyn in lagu weydiin doono kulankii shalay ka dhacay Baarlamaanka Maraykanka.

Xukuumada Maraykanka ee Trump ayaa hada olole ugu jirta in farogelin lagu sameeyo dalka Venezuela oo qani ku ah batroolka si loo rido xukuumada dalkaasi ka talisa, iyadoo ay farogelintan kasoo horjeedaan xildhibaano ay kamid tahay Ilhan Omar.

Trump iyo xulafadiisa ayaa ka cabsi qabay in xildhibaanada cusub ee Dimuquraadiga oo ay ugu horeyso Ilhan Omar ee hada ku biiray Guddiga Arrimaha Dibada ee Kongareeska ay caqabad ku noqon karaan siyaasadooda arrimaha dibada.

Qaar kamid ah suxufiyiinta Maraykanka ayaa sheegay in muddo dheer sugayeen in su’aalo noocaan ah la weydiiyo qaar kamid ah ragga danbiyada dagaal loo heysto ee kasoo shaqeeyey dowladihii hore ee Maraykanka.

Ilhan Omar oo maalmihii lasoo dhaafay cadaadis xoogleh kala kulantay taageerayaasha xukuumada xagjirka ah ee Israel iyo siyaasiyiinta xisbiyada dalkaasi ee ku xiran Trump & Benjamin Netanyahu ayaa muuqata inay taageero xoogleh ka heshay shacabka Maraykanka oo in badan kamid ah taageersan in lala xisaab-tamo xubnaha awooda badan kuleh dowlada Maraykanka.

LEAVE A REPLY