Taliyaha ciidanka Asluubta oo sheegay in xabsiga ugu casrisan qaarada Afrika laga...

Taliyaha ciidanka Asluubta oo sheegay in xabsiga ugu casrisan qaarada Afrika laga hergelin doono dalka.

0
SHARE

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal; Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in goor dhow laga hir-gelin doono Soomaaliya Xabsiga ugu casrisan Qaaradda Afrika.

Xafladda lagu soo xirayay shir Sannadeedka Garsoorka, ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dalka, Maxamed C/llaahi farmaajo, Guddoomiyaha Maxkamadda sare hay’adaha Garsoorka heer Federaal iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayuu ku tilmaamay mid ka mid ah Tiirarka ugu muhiimsan Caddaaladda, wuxuuna intaa ku daray in ayagoo fulinaya ammarkii Madaxweynaha Dalka, in ay wadaan dib u habeyn lagu sameynayo dhammaan Xabsiyada Dalka.

Wuxuu sheegay in xabsiyadu ay noqon doonaan kuwo wax lagu carbiyo, waxna laga soo saaro, Dadka lagu dhaqan celiyo, waxna lagu baro, isagoo ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu furi doono Xabsiga Afrika ugu casrisanaa.

Jeneraal; Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa hadalkan ka sheegay Xaflad lagu soo gaba-gabeynayay shir Sanadeedka Garsoorka Dalka oo Laba Cisho ka hor ka furmay Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY