Wadanka iiraan Weerar khasaare geystay oo lagu qaaday Xero ciidan

Muuq baahiyaha ku hadla afka dowladda Iran oo fadhigiisu yahay Magaalada Tehran ayaa baahiyay in dabley hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen mid kamid ah xerooyinka ciidamada Milateriga dalkaasi.

Muuq baahiyaha oo soo xigana saraakiisha ammaanka dalkaasi ayaa shaaciyay in koox hubeysan oo aanan heybtooda la garaneyn ay saakay aroortii weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada Milateriga ee Basij paramilitary oo ku yaalla magaalada Nikshahr  oo dhanka Koonfured kaga beegan Magaalada Caasimada u ah dalkaasi ee Tehran.

Weerarka ayaa dhacay xili ciidamada ay ku mashquulsanaayeen salaanta Calan saarida oo subax waliba aroortii ay sameeyaan ciidamada dalkasi, waxaana lasoo warinayaa in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiro.

Sarkaal u hadlay ciidamada la weeraray ee Iran ayaa xaqiijiyay dhimasha hal ruux iyo dhaawaca Shan ruux hase ahaatee ma uusan sheegin faahfaahin intaasi dheer.

Warbaahinta gudaha ee dalkaasi Iran ayaa iyagana baahiyay in khasaaraha ka dhashay weerarkaasi uu intaasi ka badanyahay waxa ayna soo xiganayeen dadka deegaanka.

Magaalada la weeraray ee  Nikshahr waxa ay ka mid tahay gobolka Sistan-Baluchistan, tododbaadkii ina dhaafay Magaalada Zaheden oo isla gobolkaani ah waxaa ka dhacay weerar loo adeegsaday bambaanooyin oo ay ku dhaawacmeyn Saddex ruux oo Boolis ah.

Weerarkaani ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay hase ahaatee midkii kan ka horeeyay ee isla gobolkaasi ka dhacay waxaa sheegtay koox ka macaashta ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya.

Bishii Disember ee sanadkii tagay weerar qarax ku bilaawday oo loo adeegsaday gaari waxlaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu qaaday saldhiga ugu weyn ee ciidamada Booliska dalkaasi lagaga taliyo ee Magaalada Dekada leh ee Chabahar, waxaana weerarkaasi ku geeriyooday labba sarkaal oo Booliska la weeraray ka mid ahaa waxaana ku dhaawacmay 42 Ruux oo shacab iyo Boolisba isugu jiray.

XIGASHO: Washitonpost.

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements