War cusub :Dowlada Sweden oo soo saartay sharci ka dhan ah Qaxootiga...

War cusub :Dowlada Sweden oo soo saartay sharci ka dhan ah Qaxootiga cusub

0
SHARE

Dowladda Sweden oo ka mid ah dalalka ugu wanaagsan Qaarada Yurub xaga nolosha ayaa soo saaray sharci cusub oo ka dhan ah qaxootiga dalkaas taga.

Sharcigan oo ay ku heshiiyeen qaar ka mid ah Xisbiyada dalkaas ka jira ayaa dhigaya in Qaxootiga ku cusub dalka laga jaro lacagta la siiyo haddii uu diido degaanka la dajiyo maadaama dadka badankood ay dalbadaan magaalada ay rabaan si ay ugu dhowaadaan dad ay qaraabo yihiin.

Sanadkan Cusub bartamihiisa ayuu sharciga bilaabanayaa waxaana dowladu ay qofka dajineysaa goobta ay u hesho haddii qofkaasi uu dalbado goob cayiman waxaa laga jarayaa lacagta uu qaadan lahaa oo dowlada ugu talagashay iyadoo inta uu socdo kiiskiisa uu isaga dabarayo noloshiisa.

Qoyska qaxootiga ah ee heysta labada caruur ayaa hela lacag dhan 6,000 kun oo kronor bil kasta.

”Ma dooneyno in Qaxootiga isku aruursadaan goobo qaas ah taasi oo keeni karta dhibaatoyin kala duwan sababtaas ayaana sharciga cusub u soo saarnay ” ayuu yiri Morgan Johansson oo ka tirsan Wasiirada Dowlada.

LEAVE A REPLY