Wasiirkii Arrimaha Dibedda Iiraan Oo Is Casilay Iyo Warar Sheegaya In Weli…

Wasiirkii Arrimaha Dibedda Iiraan Oo Is Casilay Iyo Warar Sheegaya In Weli…

0
SHARE

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Maxamed Jafaad Zariif ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigtay Barta Bulshadda ee INSTAGARAM.

Faahfaahin kama uusan bixinin sababaha uu isku casilay, wuxuuna u mahad celiyey Qaranka Iiraan iyo Saraakiisha.

Wakaalladda Wararka Dowladda Iiraan ee IRNA waxay sheegtay inuu Afhayeen Cabaas Musaafi xaqiijiyey inuu is-casilay Wasiirkaasi oo xilka hayey tan iyo bishii August ee sannadkii 2013-kii.

Dhageyso:-Madaxweyne Deni oo ka hadlay Dilkii Caasho Ilyaas AadanFeb 26, 2019

Madaxweyne Xasan Ruuxaani ayaa la sheegay inuusan weli aqbalin Is-casilaadaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Syria, Bashaar Xaafid Al-asad ayaa waxa uu booqasho mar-la-arag ah ku tegay caasimadda dalka Iiraan ee Tehraan, wuxuuna la kulmay dhigiisa dalkaasi, Xasan Ruuxaani iyo Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Aayatullaahi Cali Khamanii

LEAVE A REPLY