XOG CUSUB: Villa Somalia oo ku Hanjabtay inay Xiriirka u jareyso Hay’ado kasoo horjeestay

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada hobyomedia.com ayaa sheegaya in Hay’addaha caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya ay qaarkood ka biyo diidan yihiin qorshe Dowlada Soomaaliya ay usoo bandhigtay, iyadoo Villa Somalia ay ku wargelisay inay kala doortaan inay xiriirka u jarto ama ay ku shaqeeyaan rabitaanka Dowlada.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal ayaa mar sii horeysay soo saaray Go’aan ay Xukuumadda Soomaaliya kaga dalbaneyso Hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee Caalamiga ah in ay xarumo ay ku shaqeeyaan ka furtaan Magaalada Muqdisho halka ay degan yihiin Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Xiisad arrintan ka dhalatay ayaa u dhaxeysa Hay’addaha iyo Dowlada dhexe, waxaana qaarkood ay sheegeen inay joojinayaan shaqooyinkii ay Soomaaliya ka wadeen.

Hay’addahan Caalamiga ah ayaa ku doodaya in Dowlada Soomaaliya aysan ku filneyn amniga Masuuliyiinteeda iyo Shaqaalaheeda sidaa darteed aysan dagi karin Muqdisho, halka Dowlada Soomaaliya ay sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso Horumarka Dalka hadii Hay’addaha Caalamiga ah ay ka howlgalaan Soomaaliya.

Dowladii KMG aheyd uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed isla markaana uu Ra’iisul wasaaraha ka ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Hay’addaha Caalamka ku amartay inay dalka ka howlgalaan oo xarumo ka sameystaan waxaana arrintaasi ay sababtay inuu ugu dambeyn Ra’iisul wasaare Farmaajo xilka ku waayo.

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements