XOG: Farmaajo iyo Kheyre oo Kulan Saacado badan qaatay ka yeeshay Isku Shaandheynta Wasiiradda

Xog gaara oo ay heleyso Wakaalada hobyomedia.com ayaa sheegaysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ay kulan gaar ah xalay ka yeesheen isku shaandheynta lagu sameynayo Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay in kulanka si weyn loogu falanqeeyay tabashooyin ay qabaan qaar ka mid ah Beelaha waa weyn oo dacwad u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo saluugsan qorshaha uu wado Ra’isiul wasaare Kheyre.

Ujeedada Xilal ka qaadistan ayaa lagu sheegay in Madaxda dalka ay kaga go’leeyihiin inay isbedelo badan ku sameeyaan qaar ka mid ah Wasaaraddaha oo hormaro la taaban karo aan sameyn iyo qaarkood oo eedeymo badan loo jeediyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn kaga carooday dhaliilo badan oo loo jeediyay Hay’addaha Dowlada qaarkood wuxuu Ra’iisul wasaarihiisa ka dalbaday in Xukuumadda isbedelo lagu sameeyo wasiiradda qaar.

Kheyre ayaa laga yaabaa inuu fursado badan siiyo Xildhibaano ku jira Golaha Shacabka oo qaarkood mucaarad ku ah Dowlada Federaalka, waxaana Wasiiradda Xilalkooda weyn kara ka mid noqon kara Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Dastuurka Cabdi raxmaan Xoosh Jabriil, Wasiirka arrimaha Dibada iyo Wasiiro kale.

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements