XOG: Farmaajo oo isku keenaya Mursal & C/Xaashi (Arrin xasaasi ah oo...

XOG: Farmaajo oo isku keenaya Mursal & C/Xaashi (Arrin xasaasi ah oo la xalinayo)

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada hobyomedia.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu maalmaha soo socdo diirada saarayo xal u helida khilaafka ka dhex taagan Golayaasha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xafladii caleemasaarka Madaxweynaha Puntland ku balanqaaday inuu waqti galin doono xalinta Muran iyo xiisada ka dhex taagan labada gole ayaa tan iyo markaas ku mashquulsanaa howlo kale oo ka xasaasisan arrintan.

Balse Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha uu guddi u saarayo sidii kulan lagu gorfeynayo isfaham waaga jira loo qaban qaabin lahaa si wadajirna loo wada hadlo si tabashooyinka la kala qabo loo xaliyo.

Guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillahi ayaa hore kaga dalbaday madaxweyne Farmaajo inuu ka jawaabo cabashadooda.

Sababaha ay u hakiyeen Wadashaqeyntii ay la lahaayeen Golaha Shacabka ayaa waxa ay ku sheegeen dhowrkaan qodob oo kala ah.

1: Hareer marida habraaca dastuurka ee meelmarinta sharciga xisaab xirka.

2:- Xiriirka dibada ee baarlamaanka federalka Soomaaliya,

3: Kala dhowrista xilalka gaar ahaaneed ee labada gole iyo qoddobo kale.

Si kastaba ha ahaatee Khilaafka labada gole ayaa mudo soo taagnaa, iyadoo Madaxda Dalkana aysan waxba ka qaban laakiin dadaalada uu wado Madaxweynaha ayaa laga yaabaa inay isku soo dhaweyso labada dhinac oo waxyaabo badan isku heysta.

LEAVE A REPLY