Akhri :Taliyihii Ciidanka Gaarka Ee Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Dhaawacay Afaafka Hore...

Akhri :Taliyihii Ciidanka Gaarka Ee Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Dhaawacay Afaafka Hore Ee Madaxtooyada

0
SHARE

Askari ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta Taliyihiisa waxa uu ku dhaawacay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo ilaalo ay ka hayaan Ciidanka sida qaaska u ilaaliya Madaxweynaha.

Cabdifitaax Dabagaale oo ahaa Taliyaha horinta Ciidaanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaawac soo gaaray, kadib markii muran uu soo kala dhaxgalay isaga iyo askarigiisa, taas oo sababtay in uu rasaas ku furay askarigu Taliyaha

Warar ay  heleyso Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in u murankaan uu yimid kadib markii askarigu taliyaha uu ku eedeeyay in uu lunsaday lacag uu lahaa askarigu,hayeeshee muranka oo sii dheeraaday ayaa sababay in la dhaawaco Cabdifitaax Dabagaale.

Dhaawaca Taliyaha ayaa loo qaaday mid ka mid ah goobaha caafimaadka eek u yaalla Magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiiyo Xaaladiisa Caafimaad,waxaana durbo goobta ka baxday askarigii ka dambeeyay falkaas

LEAVE A REPLY