Akhriso Galmudug iyo Puntland oo si Wadajir ah uga Hadlay……

Akhriso Galmudug iyo Puntland oo si Wadajir ah uga Hadlay……

0
SHARE

Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa si wada jir uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Wasiirkii Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,kaasi oo Maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Dubai ee Dalka Isugutaga Imaaraadka Carabta

War-saxaafadeedyo ka soo kala baxay Xafiisyada Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa Shacabka Soomaaliyeed loogu tacsiyadeeyay geerida Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,iyagoona Alle uga baryay in uu Jannadiisa firdowsana ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Wasiirkii Wasaaradda arrimaha Dastuurka Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa waxaa si kedis ah u haleelay xanuun deg-deg ah,  xilli uu ku sugnaa Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraat-ka Carabta, isagoo mudda yar ka dibna ku geeriyooday Isbitalka Dubai

LEAVE A REPLY