Al Shabaab Oo Xog Cusub Ka Bixiyey Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho...

Al Shabaab Oo Xog Cusub Ka Bixiyey Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho [15 Qof Ayaan Dilnay Kuwaas Oo…

0
SHARE

Idaacada Al Shabaab ayaa laga baahiyey warbixin kusaabsan Qaraxii Maanta Barqadii ka dhacay Isgoyska Xaawo taako Ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo ahaa gaari waxyaabo qarxa ku jireen ayaa la sheegay in uu ka dhashay Khasaaro iskugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Al Shabaab waxay sheegeen in 15 Qof ay ku dileen kuwaas oo ahaa Xubno ka shaqeenayey Madaxtooyada Soomaaliya iyo saraakiil Ciidan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dawlada ay waxyeelo xoog leh kasoo gaartay Qaraxaasi balse aan si cad loo ogaan  tirada inta ay gaarsiisan tahay.

Saraakiisha Ciidanka Dawlada Soomaaliya ayaa waxaysan si faah faahsan uga hadlin Qaraxii Maanta ka dhacay meel ku dhaw mid ka mid ah Xarumaha Laga Ilaaliyo Albaabada Madaxtooyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY