Daawo Sawirada Amal Bank oo 5,000 oo dollar ugu deeqday Gudiga Gob ee ku howlan dhismaha wadada xiriirisa Gaalkacyo iyo Hobyo.

0
SHARE

Munaasibadan oo ahayd mid lagu dardar galinayay hawlaha amal Bank ee Koonfurta iyo Bartamaha Somalia ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xaruunta Gobolka mudug,waxaana ka Qeybgalay masuuliyiin iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gaalkacyo.

Amal Bank ayaa Casriyeey islamarkaana dar dargaliyay adeegyada ay Bulshada siiyaan,waxaana Munaasibada aykuso bandhigeen Adeegyo kala duwan oo Bulshadu ayka faaideesan karaan Duqa degmada gaalkacyo xirsi yuusuf bare oo kahadlay furitaanka munaasibada ayaa amaanay hawlaha shaqo ee bulshada ay uhayso Amal bank wuxuuna kubooriyay inay laba jibaaran.

Maxamed yaqub oo ah Madaxa marketinga Amal Bank ayaa kasheekeyay Hanaanka uu uhawlgalo bankiga iyo adeegyada ay bixiyaan.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha koonfurta iyo Bartamaha ee Amal Bank Sheikh Abdiwali Muuse ayaa munaasibada kaga dhawaaqay in 5,000 oo dollar ay kaga qeyb qaadanayaan Dhismaha wadada xiriirisa Gaalkacyo iyo hobyo ayna Gudiga gob kuwareejinayaan lacagtaasi

W/Q/ Hanad Addi Farah

Hobyomedia Gaalkacyo Mudug -Somalia

LEAVE A REPLY