DHAGEYSO: Galmudug Oo Diyaarsatay Hubkeeda Si Ay Ula Dagaalanto………

DHAGEYSO: Galmudug Oo Diyaarsatay Hubkeeda Si Ay Ula Dagaalanto………

0
SHARE

Kulan looga hadlayey Xuquuqul insaanka iyo ka hortegida Kufsiga tacadiyada la xiriira ayaa maamulka Galmudug ay ka daah furtay Magaalada dhuuso mareeb.

Qeybaha kala duwan Ee Bulshada ayaa xaadiray Kulanka oo lagu casuumay kuwaas oo soo bandhigay sida ugu macquulsan ee Hay’adaha garsoorka iyo Laamaha Amniga iskula shaqeyn karaan,iyadoo Shacabka Tiir laga dhiganayo.

Qaar ka mid ah dadka Kulankaasi ka hadlay waxay sheegeen in Cadaaladu tahay sheyga ugu muhiimsan ee dadka wada deeqda sidaa awgeedna lagu dedaalo raadinteeda.

Sidoo kale waxaa Kulankaasi ka hadlay wasiirka garsoorka iyo Cadaalada galmudug Cabdi Maxamed Fiidoow isagoo sheegay in cadaalado oo la helaa ay yareyn karto Kufsiga Hablaha loo geysto.

Sikastaba Deegaanada Gobollada Dhexe ayaa waxaa inta badan ka dhaca Falalka kufsiga la xiriira iyadoo Hadda Galmudug ay dadka ku dhiiri gelineyso Casharo kusaabsana bareyso sidii la iskaga wacyi gelin lahaa Tacadiyada Haweenka loo geysto.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

LEAVE A REPLY