Dhageyso:- Wararkii u Danbeyay ciidamo ku Dagalamay Gaalkacyo iyo Warar Cusub...

Dhageyso:- Wararkii u Danbeyay ciidamo ku Dagalamay Gaalkacyo iyo Warar Cusub oo soo Kordhay

0
SHARE

Duqa degmada Gaalkacyo ee Puntland Yaasiin Axmed {Tumay}ayaa ka hadlaydagaal laba maleeshiye beeleedku dhex maray waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug kaas oo uu ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada gaalamay.

Waxa uu sheegay in dagaalkaas ay ku baxeen Isimada Puntland saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiin kale si loo kala dhexgalo dadka diriraya,isaga oo shaaciyay in Puntland aysan aqbalayn dagaal kasta oo ka dhaca deegaanadeeda kana la soo afjari doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Shalay ayay aheyd markii Waqooyiga magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay dagaal saacado socday una dhaxeeyay maleeshiyaad ku sugan waqooyiga Gaalkacyo iyada oo haatan ay socdaan qorshooyin lagu kala qaadayo dhinacyadaas waxaana maamulka Puntland uu ka digay dagaal mar kale ka dhaco halkaas.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY