Dowladda oo ka hadashay Weerarkii Maanta Ciidamada Dowlada Somaliya ay ku...

Dowladda oo ka hadashay Weerarkii Maanta Ciidamada Dowlada Somaliya ay ku Qaden Xarunta Tv-ga Universal ee Muqdisho

0
SHARE

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn Cambaareysay Weerar maanta Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya gaar ahaan Waaxda Canshuuraha ay ku qaadeen Xarunta Tv-ga Universal.

Ciidamadan ayaa bilaabay rasaas ay ku fureen illaada Tv-ga oo banaanka hore ee Xarunta Tv-ga illaalo ka haayay, waxaana taasi ay dhalisay in Ciidanka illaalada dhankooda ay ka jawaabaan rasaastaasi.

Maamulka xarunta Tv-ga iyo Ciidamada Canshuuraha ayaa la sheegay in uu ka dhaxeeyay arimo la xariira Muran Canshuuro.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada, wuxuu si adag ugu cambaareeyay falka lagu weeraray Xaruna Tv-ga.

“Waxaan aad u cambaareynayaa falkii saaka lagu weeraray Xarunta Telefishinka Universal oo ahaa mid fool xun oo lid ku ah xorriyadda hadalka.”

Agaasimaha  Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya ayaa sidoo kale sheegay in kiiska arrintaan hadda ay gacanta ku hayaan Taliska Ciidamada Booliska, uuna rajeynaayo in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay weerarkaasi.

“Waxaa haatan kiiska gacanta ku haya Taliska Booliiska, annaga oo rajeynayna in caddaalada la horkeeno ciidankii ka tirsanaa ilaalada canshuurta ee saaka dhibaatada geystay.”

LEAVE A REPLY