Faah Faahino Warar ku Saabsan Weerar ka Dhacay Cadado iyo Wararki u...

Faah Faahino Warar ku Saabsan Weerar ka Dhacay Cadado iyo Wararki u Danbeyay

0
SHARE

Faah Faahino Dheeraad ah ayaa ka Soo baxaya Weerar Maalintii Shalay ahayad ka Dhacay Magalada Cadaado

Nin Ku hubeysnaa Qoriga AK47 ayaa waxa uu maanta dil ka geystay magaaladaasi bartankeeda isagoo toogtay Askari katirsanaa Ciidanka Meliteriga Soomaaliya.

Askariga dhintay ayaa magaciisa lagu soo koobay Gar yare,waxaana meydkiisa qaaday ciidanka amniga oo goobta nabad gelyadeeda kusoo celiyey sidii hore.

Dilka markuu dhacay waxaa muddo jahwareer ka jiray meesha,iyadoo kala carar la dareemay iyo dhaq dhaqaaqii aagaasi dilka ka dhacay oo istaagay.

Howgal lagu xaqiijinayo Amniga laguna baadi goobayo gacan ku dhiiglaha ayaa ka socda Cadaado,xilli ciidamada Amniga Magaaladaasi ay sheegeen inay gacan adag ku qabanayaan xasiloonida Magaaladaasi.

LEAVE A REPLY