Milatariga Isra’il oo Gantaalo culus ku garaacay marinka Gaza (Daawo Sawirada)

Milatariga Isra’il oo Gantaalo culus ku garaacay marinka Gaza (Daawo Sawirada)

0
SHARE

Ciidamada Milatariga maamulka Isra’il ayaa duqeyn culus  xalay ku garaacay qeybo kamid ah marinka Gaza gaar ahaan xarumo la sheegay in Ururka Xamaas ku leeyihiin magaaladaasi.

Duqeynta Israa’il ka fulisay marinka Gaza ayaa la sheegay in ay jawaab u aheyd Gantaal ku dhacay guri kuyaala duleedka magaalada Tel Aviv, waxaana gantaalkaasi ku dhaawacmay 7-qof oo Israa’il u dhashay.

War kasoo baxay cidamada Difaaca Ista’il ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen Marinka Gaza in ay la beegsadeen xarumo ay leefahay Kooxda Xamaas gaar ahaan  xafiika madaxa siyaasadda ee Xamaas iyo xarunta sirdoonka ee ururkaas.

Ra’isul Wasaaraha Maamulka Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in maamulkiisa uusan u dulqaadan doonin daan daasiga uu sheegay in ay wadaan Ururka Islaamiga ee Xamaas.

Benjamin Netanyahu oo soo gaabiyay booqasho uu ku joogay dalka Mareykanka ayaa sheegay in si adag uga jawaabi doonaan weerarada ururka Xamaas, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha Isra’il eedeyn culus u jeediyay Ururka Xamaas.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in Isra’il mar kale duqemo culus ku garaacdo Marinka Gaza, waxaana laga digay xiisada mar kale kasoo cusboonaatay Marinka Gaza iyo duqeymaha culus ee Isra’il geesaneyso.

LEAVE A REPLY