RW Khayre Waa siyaasi ku Fashilmay siyaasada iyo hogaaminta dalka sidaas waxaa...

RW Khayre Waa siyaasi ku Fashilmay siyaasada iyo hogaaminta dalka sidaas waxaa Yiri…

0
SHARE

Qaladaadka ka dhacay labadii sano ee uu xilka hayay Raysal wasaare khayre Falanqeyn tayduna maaha caadifad ee waa mid aan ku tilmaamaayo siyaasiga khaldama waa in loo sheegaa qaladkiisa iyo waxyaabaha ka qaldamay iyo balankii uu qaadey inuu uu fulin waayey. Waa waxa aan suurta gal ahayn inuu si khaldan iskaga dhaadhiciyo inuu waxqabtey

<

Waa maxay ku xumad wanaagsen?

Xukumada wanaagsen waa nidaam iyo go’aamo ku saleysan sharciga, xeerarka iyo dhaqanka dawladeed oo Dastuurka lagu dhaqmo iyadoo la tixgalinayo Golayaasha sharcidajinta

Xukumada Raysal wasaare khayre waxaa astaan unoqdey isbarbaryaac iyo isqabqabsi. Isbarbaryaaca iyo isqabqabsigu waa astaamaha ugu horeeya ee lagu garto in xukumadaasi Fashilantay iyo inkale.

Waxaa xilka laga qaadey wasiiro badan iyo Taliyayaal ciidanka hogaaminayay, waxaa meel xungaaray wada shaqeynta xukumada Raysal wasaare khayre iyo Madaxda Maamul Gobaleedka, Waxaa la dhibaateeyey dhowr siyaasiyiinta madax banaan ah, ururada bulshada, & Saxaafadda,

Waxaas oo khalad ah waxaa masuuliyadeeda iska leh xukumada Raysal wasaare khayre Waa hadii ladoonayo in dawlad wanaagsan ay dadka Soomaaliyeed helaan.

Xukumadaha aduunka ka jira waxaa lagu Yaqaan dhaqanka kala dambeynta, sharciga ku dhisan. Maadaama uu Raysal Wasaare khayre yahay shaqsiga ugu sarreeya hay’adda fulinta, labadii sano ee uu hogaaminayey Xukumada Marna muusan qiran in xukumadiisu ku Fashilan tahay Hirgalinta Hanaanka Dawladnimo ee xukumadiisu balan qaadey, waxay xukumadiisa noqotey mid ay ka muuqdaan Isbarbaryaaca iyo isqabqabsiga

Wasiirada iyo wasiir dawlayaasha ama wasiir ku xigeenadaba.sidoo kale waxaa sanad ka badan aan Agaasimayaal Guud laheyn in ka badan 13 Wasaaradood oo waxaa howshaas baaxadda leh si KMG ah u wada Wiilal yar yar oo aan qibradaas laheyn.

Waxaa xukumada Raysal wasaare khayre fadeexad ugu filane wiil yar oo agaasimo waa xeer ah. In uu ka awood badan yahay wasiirka wadaarada ku magacaaban Arimahaanina waxey salka ku haayaan Raysal wasaare Khayre oo ay ku habsatay karti xumo, go’aan xumo, iyo khibrad dowladnimo la’aan taas oo abuurtay jahwareerka labada sano horyaal hogaanka Madaxweyne Farmaajo oo wali Qiran la’ in uu ku Fashilmay soo magacaabidii Raysal wasaare Khayre aan lahayn dhaqan dulqaad iyo aqoon dawlad xaalad adag ku jirta lagu hogaamin karo.

Arrimahaan isbiirsaday ee fashilka sida Amniga,muqdisho oo aad u xun. Cadaalad daro, musuq maasuqa. Khilaaf siyaasadeed oo dalka oo dhan ka jira & xiriirkii caalamka oo liita dhanac kasta.

Haddii aan wax laga qaban Fashilka xukumada Raysal wasaare khayre arinkan waxay uu horseedi in dalka uu galo colaad iyo isqabsi keeni kara in Doorashooyin aaney dhicin 2021,iyadoo durbaba ay gudiga doorashadu cadeeyeen in 2021 ka aaney suurtagal aheyn iney qabsoonto doorashadii la filayay ee qof iyo cod.

Ugu dambeyn waxaa Madaxweyne Farmaajo laga sugayaa Go,aan Geesinimo leh oo uu khaladka hogaankiisa ku jira in uu dhaqso u qaato si uu isku saxo.

Danjire maxamed caalim
Caalim68@hotmail.com

LEAVE A REPLY