RW Kheyre Oo Ku Wajahan Kismaayo Iyo Amaanka Oo Aad Loo Adkeeyay

RW Kheyre Oo Ku Wajahan Kismaayo Iyo Amaanka Oo Aad Loo Adkeeyay

0
SHARE

Ra”iisu-Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo halkaas oo lava dareemayo qabanqaabada soo dhaweynta wefdiga ra”iisul-Wasaaraha Soomaaliya

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana baaritaano laga sameeyay xaafado ka tirsan Kismaayo si loo xaqiijiyo Amniga masuuliyiinta la filayo in ay maanta gaaraan Kismaayo,dhinaca kalana waxaa halkaas shalay gaaray wefdi hordhac u ah Xasan Cali Kheyre.

Ilaa iyo haatan Xafiiska Ra”iisul-wasaaruhu Kama hadal ujeedada ka dambeysa safarka masuuliyiintaan uu horkacayo ra”iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo lagu wado in uu saacadaha soo socda ka dego Kismaayo waxaase halkaas kulamo kulan qaadanayaan madaxda ugu sareysa Jubbaland sida Madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY